Regione Toscana
Sharciga deganaanshaha dalka ee waxbarashada,xirfada ama shaqobarashada / Permesso di soggiorno per studio, formazione o tirocinio

Sharciga deganaanshaha dalka ee waxbarashada,xirfada ama shaqobarashada / Permesso di soggiorno per studio, formazione o tirocinio

Waxaan haystaa fiise sababtiisu tahay waxbarasho ama shaqobarasho ama sharciga deganaanshaha dalka ee waxbarashada oo uu soo saaray wadan ka mid ah wadamada soonaha shangayn Area Schengen  markaa waxan rabaa inan raacdo koorso jaamacadeed , koorso waxbarasho oo  dugsi sare ah, koorso barasho xifradeed ama inaan sameeyo shaqobarasho mudo ka badan 3 bil.

Maxay tahay inaan sameeyo? / Cosa devo fare?
Waa inad codsataa sharciga deganaanshaha dalka ee waxbarashada ,xirfada ama shaqobarashada.

Goorma ayey tahay inan sameeyo codsiga? / Quando devo fare la domanda?
Waa inaad samaysaa codsiga ugu danbayn 8 maalin marka laga soo bilaabo malintii aad soo gashay Talyaaniga.

Dukumentiyadee ayaan u baahanahay? / Quali documenti mi servono?

  • 1 marca da bollo  16 euro ah
  • footokoobiga baasaboorka (dhamaan bogagga, marka laga reebo kuwa aan waxba ku qornayn)
  • footokoobiga warqadi aad isku qortay taaso muujinaysa koorsada aad barandoonto,ayna shaabadaysay safaarada ama qunsuliyada Talyaaniga ee dalkaaga isla markaa la soo saaray fiisaha dalkugalka  
  • footokoobiga warqada isqoritaanka koorsada
  • fotokoobiga warqada caymiska ee halista cudurada iyo dhaawac,kana sharciyeysan Talyaaniga ,mudada koorsadu socoto
  • cadaynta hantida dhaqaale ee lagamamaarmaanka ah mudada aad joogto Talyaaniga (tusaale ahaan .: inaad heshay deeq waxbarasho, inaad haysato kaadhka bangi, kaadh bangi oo shaqaysanaya..)
  • hadi ay tahay shaqobarasho: footokoobiga warqada shaqobarashada
  • rasiidhka lacag bixinta ee sharciga deganaanshaha dalka pagamento del permesso di soggiorno

Taxadar:  hadi aad haysato sharciga deganaanshaha ee waxbarashada oo uu soo saaray dal ka mid ah dalalka soonaha shangayn Area Schengen waxaad u baahan tahay xattaa:
dukumentiyo cadaynaya inaad ka qaybgalayso barnaamij iswaydaarsi ah ama ogolaanshiiyaha inaad u joogayso sababo waxbarasho wadan ka mid ah wadamada midowga yurub ugu yaraan 2 sano
dukumentiyo cadaynaya in barnaamijka cusub ee waxbarashada aad ka bilaabayso Talyaaniga aad ugu baahan tahay inuu dhamaystiro barnaamij waxabarasho oo aad horay u samasay. Dukumentiyada waa inay soo saartaa jaamacad ka mid ah kuwa wadamada midowga yurub taaso aad ka ka raacatay koorso waxbarasho.

Sidee ayaan u sameeya codsiga? Come devo fare la domanda?
1.    Aad Sportello amico mid ka mida xafiisyada boostada markana ka soo qaado  kit (bushqad, foom iyo tilmaamaha).
2.    Buuxi foomka markaana dir codsiga sharciga deganaansha dalka iyo dukumentiyada.
Taxadar: si aad u hesho caawimaad waxaad aadi kartaa Sportello Immigrazione ee Comune aad dagan tahay, hay’ad caawimaad (Patronato) ama CAF (xarunta caawimaada cashuuraha).
3.    Xafiiska boostada wuxu ku sheegaya marka ay tahay in aad aado Questura balanta ugu horaysa markaana wuxu ku siinayaa rasiidhka boostada ee codsiga sharciga  deganaanshaha dalka. Taxadar: rasiidhkani waa muhiim sababtoo ah wuxu cadaynayaa inaad joogi karto Talyaaniga.
4.    Aad Questura maalinta balanta markaana qaado 4 sawir oo ah qaabka teesaraha. Kadib waxay kaa qaadi donaan faraha.
Taxadar: hadii cimrigaagu uu ka weyn yahay 16 sano markaana aad samaysay codsiga deganaanshaha dalka kaaso shaqanaya 1 sano ama in ka badan , Questura gudaheeda waa inaad ku saxeexdaa heshiiska isdhexgalka l'Accordo di integrazione.
5.     Questura kadib waxay kuu soo diraysaa fariin SMS ah si aan kuugu sheegaan maalinta ay tahay inaad aado xafiiska socdaalka ee Questura si aad uga soo qaadato sharciga deganaanshaha dalka
taxadar: waxaad xatta heli kartaa warqad diidmo ah.

Wixii xog ah:
Questura (xafiiska socdaalka)

Aggiornamento: febbraio 2018

La traduzione della scheda informativa è stata finanziata dal progetto Sportello Multilingue: Mediazione e Informazione