Regione Toscana
Kaadhka aqoonsiga - Carta d’identità

Kaadhka aqoonsiga - Carta d’identità

Voglio chiedere la carta d’identità / Waxaan doonayaa inaan codsado kaadhka aqoonsiga

Maxaan loogu baahanahay / A cosa serve?
Kaadhka aqoonsiga waa dukumentiga aqoonsiga markaa  waxaad ugu baahan tahay inuu muujiyo qofka aad tahay (tusaale ahaan waxad u baahanaysaa si aad uga soo qaadato warqad xafiiska boostada ama inaad baadhis ka soo qaadato ASL)

Sidee ayuu u samaysan yahay? / Come è fatto?
Wuxuu ka kooban yahay magaca qoyska, magaca, taariikhda iyo goobta dhalashada, wadanka loo  dhashay iyo ciwaankka deganaanshaha.
Wuxuu noqon karaa waraaq ama teesare kaadh ah sida midka bangiga oo kale.

Goormaan waydiisan karaa? / Quando posso chiederla?
Markaad haysato sharciga deganaanshaha dalka ee permesso di soggiorno oo aan dhicin, aad degaan ku tahay talyaaniga markaana ka diiwangashan tahay Ufficio Anagrafe ee Comune  aad dagan tahay .

Xagee ayey tahay inaan ka codsado? / Dove devo chiederla?
xafiiska Anagrafe ee  Comune aad dagan tahay (ka raadi wixii macluumaad ah qaybta “Servizi del Comune) (dadka deegaanka ku ah Comune di Firenze waxay ka codsan karaan xafiiska Comune ee lagu magacaabo PAD, fiiri ciwaanka http://servizi.comune.fi.it/servizi/scheda-servizio/punti-anagrafici-decentrati

Ma u codsan karaa ilmahayga oo kayar 18 sano? / Posso chiederla per mio figlio minore di 18 anni?
Haa. Laakiin waa in labada waalidba ay joogan xafiiska anagrafe.

Ma u isticmaali kara safarada ? / Posso usarla per viaggiare?
Maya. Safarka ka baxsan talyaaniga waa inaad haysataa baasaboor.

Aggiornamento: febbraio 2019

 

La traduzione della scheda informativa è stata finanziata dal progetto Sportello Multilingue: Mediazione e Informazione