Waxaan u baahanahay dukumenti sheegaya inta qof ee degi karta guriga aan ku noolahay. / Ho bisogno di un documento che dice quante persone possono abitare nella casa dove vivo.
Maxay tahay inan sameeyo? / Cosa devo fare?
Waa inaad codsataa cadaynta haboonaansha hoyga.
Maxaa loogu baahan yahay cadaynta haboonaanshaha hoyga? / A cosa serve l’idoneità alloggiativa?
• Waxaa loogu baahan yahay si aad u awoodi karto inaad saxeexdo heshiiska deganaashaha shaqada ee (contratto di soggiorno per lavoro subordinato) marka lagu soo galayo talyaaniga fiise shaqo;
• Waxaa loogu baahan yahay si aad u codsato sharciga deganaashaha dalka iyo midowga yurub ee waqtiga dheer (permesso di soggiorno UE lungo soggiornanti) hadii qoykaagu ku weheliyo ;
• Waxaa loogu baahan yahay si looga codsado midaynta qoyska Prefettura ama Questura.
Sidee ku helaa? / Come faccio per averla?
Waa inad aado Comune aad dagan tahay markaana aad gayso dukumentiyada loo baahan yahay.
Dukumentiyadee ayey tahay inan geeyo? / Quali documenti devo portare?
Hubaal ahaan waxaa loo baahan yahay dukumentiyadan:
• Asalka iyo fotokoobiga dukumentigaaga aqoonsiga oo aan dhicin (carta di identità ama passaporto)
• Hadii ay tahay imaanshahaagi ugu horeeyey ee shaqada ama waxbarashada waa inaad gaysaa koobiga fiisaha dalkugalka ee ku yaala baasaboorka.
Dukumentiyadee kale ayey tahay inan geeyo? / Quali altri documenti devo portare?
Si aad u ogaato ka hubi websaytka Comune kaaga ama la xiriir xafiisyada Comune. (ka raadi xogta qaybta “Servizi del Comune”).
Aggiornamento: febbraio 2019