Regione Toscana
Codice fiscale

Codice fiscale

Muxuu yahay? / Cos'è?

Goorma loo faa,iido leeyahay? / Quando è utile?
Wuxuu faa,iido leeyahay marka tahay inaad la macaamisho xafiisyada guud  (tusaale ahaan, in shaqo lagu qaato ,, inad bixiso cashuurta ,inaad hesho kaadhka caafimaadka iyo caawimo dhaqtar ama inaad ubadkaaga qorto iskuulka  ), laakiin xataa waxa loo baahanyahay si aad u iibsato kaadhka telefonka ama si aad u furato akoon Bangi ama si aad u hesho rasiidhka booqasho dhaqtarka khaas ah.

Sidee u samaysan yahay? / Come è fatto?
Waa warqad caadi ah uu ku qoran yahay magaca , magaca qoyska , waqtiga iyo  iyo wadanka aad u  dhalatay . inta waxa dheer dhanka bidix waxaa ku yaala codice fiscale. marka laga sameeyo codsiga isqorista adeega caafimaadka gobolka waxa lagugu soo diraya guriga kaadhka buluuga ah,kaaso uu ku yaalo codice fiscale. maaha inaad aado  Agenzia delle Entrate (xafiiska cashuuraha ) si aad u waydiisato kaadhka buluuga ah .

Waxaan ahay muwaadin aan u dhalan midowga yurub isla markan ku soo galay fiisaha dalkugalka waxaan u baahanahay codice fisale. /Sono un cittadino non europeo appena entrato in Italia con un visto d’ingresso e ho bisogno del codice fiscale.

Maxay tahay inaan sameeyo? / Cosa devo fare?
Hadii lagugu dalbaday ogolaanshaha isu keenitaanka qoyska nulla osta ama inaad cid u shaqayso ama shaqo xili ah, Prefettura  aya ku siinaysa codice fiscale markaad codsanayso daganaashaha wadanka (permesso di soggiorno).hadad ku soo gashay wadanka fiise waxbarasho , degnaansho doorasho ah , sababo diimeed waa inaad aadaa shaqsi ahan Agenzia delle Entrate (xafiiska cashuuraha) aadna waydiisataa codice fiscale.
Hadii aad ku soo gashay Talyaaniga dalxiis ahan ma codsankarid codice fiscale.

Sanado ka hor ayaan ka codsaday xafiiska cashuuraha  codice fiscale qoykayga aan masuulka ka ahay  (cauurta,laba isqaba midkood iyo waalidka ), kuwaas oon joogin dalka Talyaaniga , si aan u galiyo cadaynta dakhliga ; manan helin kaadh ay ku qoran tahay codice fiscale. / Qualche anno fa ho chiesto all’Agenzia delle Entrate il codice fiscale dei miei familiari a carico (figli, coniuge e genitori), che ancora non si trovavano sul territorio nazionale, per inserirli nella dichiarazione dei redditi; non ho mai ricevuto la tessera con scritto il codice fiscale.

Maxay tahay inan sameeyo? / Cosa devo fare?
Hadii qoyska ay hada  joogan Talyaaniga , iyagoo ku imaaday midow qoys , ka hor intaadan ka codsan sharciga deganaansha wadanka  (permesso di soggiorno)  Prefettura  waxaa haboon inaad aado  xafiiska cashuuraha  Agenzia delle Entrate, si aad u hubiso hadii xafiiska cashuuraha Agenzia delle Entrate  uu siiyey codice fiscale qoyskaaga  si ay u samaystaan dukumentiga waraaqda ah .dukumentigas waa in la geeyaa Prefettura  marka ugu horysa ee aad dalbanayso sharciga deganaanshaha wadanka ( permesso di soggiorno) ee qoyska .  Prefettura xaqiiqadi ma bixin karto  codice fiscale hadii horay u bixisay Agenzia delle Entrate.

Waxaan codsaday magangalyo caalamiga ah . maxan sameeya si aan u helo codice fiscale? / Ho chiesto la protezione internazionale. Come faccio per avere il codice fiscale?
wuxuu ku qoran yahay codice fiscale korka deganaanshaha dalka ee uu ku siin doono questura

Aggiornamento: febbraio 2019

La traduzione della scheda informativa è stata finanziata dal progetto Sportello Multilingue: Mediazione e Informazione